Xiildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo katirsan golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa ka hadlay dagaalkii diblumaasiyadeed ee…

Xiildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo katirsan golaha shacabka barlamaanka Somalia ayaa ka hadlay dagaalkii diblumaasiyadeed ee Israel ku soo qaadday Somalia xilli uu dalku wajahayo caqabado gudaha ah.
“Somalia laba hubanti la’aan ayey maanta wajahaysaa midda gudaha waa in dalka midnimadiisii kala dhantaalantahay, doorashadii aysan caddayn dibaddana ay dalal awood leh nasoo damceen oo dowladdeena dhan qayla dhaan ku shaqayso, kulankii golaha ammaanka afar dowladood ayaan ku baxsanay oo noo dedaashay maalin walbana heli mayno dowlad aan ku baxsano”, Ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Dhanka kalena, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Somalia wajihi doonto xaalad adag haddii la gaaro 15 May 2026 iyadoo aysan jirin dowlad sharciyad haysata oo adduunku aqoonsan yahay kana difaacda cadawga dibadda.
“Midda ugu daran waxay tahay in mandate-ka dowladdeena uu bisha May ku egyahay, dhammaanteen waxay tahay inaan diiradda saarnaa in Somalia aan 15 May laga waayin dowlad sharciyad haysata”, Ayuu yiri Markale CCW.



