Deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo duqayntii labo maalmood…

Deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo duqayntii labo maalmood ka hor lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cali Ciid sida lagu sheegay xogtii hore ee dhacdada. Shacabka ayaa dalbaday in laamaha amniga iyo madaxda Puntland ay siiyaan warcad rasmi ah oo ku saabsan sababta ka dambaysay weerarka Caaqil Cumar.
Duqayntan oo ka dhacday deegaanka Jinacyo ee duleedka Ceelbuh Booliska Puntland ayaa sheegay in saddex gantaal lagu dhuftay gaariga, balse illaa iyo hadda faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin.
Bannaanbaxyada ayaa si gaar ah uga dhacay Ceelbuh iyo Badhan, halkaas oo boqolaal qof ay iskugu soo baxeen jidadka iyagoo ku baaqaya caddaalad iyo in si degdeg ah loo ogaado cidda ka dambeysa weerarka. Dadka deegaanku waxay muujiyeen caro iyo walwal xooggan oo ku saabsan dilka isimka.
Bulshada deegaanka ayaa dhaliilay aamusnaanta dowladda Puntland taas oo aan illaa hadda ka hadlin dhacdadan, inkastoo laamaha amniga ay sheegeen inay baaritaan ka bilaabeen goobta duqaynta ka dhacday. Shacabka ayaa u arka arrintan mid dhaawac ku ah kalsoonida shacabka iyo maamulka.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysay duqaynta Caaqilka waxaana dadka deegaanka ku baaqeen in xaqiiqda dhabta ah la soo bandhigo si loo dejiyo xiisadda iyo welwelka sii kordhaya ee ka taagan gobolka Sanaag.



