China: 90 qof oo ku dhimatay Qarax gaas oo ka dhacay god dhuxul laga qodo

Madaxweyne Xi Jinping ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dalka oo dhan inay wax ka bartaan dhacdadan.

23 May, 2026

Qarax gaas ah oo ka dhacay goob dhuxul laga qodo oo ku taal Shiinaha ayey ku dhinteen ugu yaraan 90 qof, taasoo ah shilkii ugu dhimashada badnaa ee macdan qodista dalka sanadihii ugu dambeeyay.

Warbaahinta dowladda Xinhua ayaa sheegtay in 247 shaqaale ah ay ku jireen shaqada dhulka hoostiisa markii qaraxu uu ka dhacay goobtaas oo ku taal degmada Qinyuan, gobolka Shanxi, Jimcihii shalay.

Sagaal macdan qodayaal ah ayaa wali la la’yahay ilaa galabnimadii Sabtida, sida ay sheegtay Xinhua, in ka badan 120 qofna waxaa la dhigay isbitaallada.

Hawlgallada samatabbixinta ayaa socda iyadoo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ay sii wadeen raadinta dadkii ka badbaaday qaraxa.

Macdanta dhuxusha ee Shiinaha ayaa loo arkaa inay kamid yihiin kuwa ugu dhimashada badan adduunka sababtoo ah heerarka amniga oo liita, nidaam daciif ah, iyo musuqmaasuq iyadoo shirkaduhu ay raadinayaan inay ka faa’iidaystaan ​​​​dhaqaalaha sida xawliga ah u koraya ee dalkaas.