China: Xi Jinping oo qaabilay Ra’iisul Wasaaraha India Modi

31 August, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Shiinaha Xi Jinping ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi, isagoo sheegay inuu doonayo in xiriir dhow la yeesho India in kasta oo uu jiro muran xuduudeed.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagay Shiinaha muddo 7 sano ah.

Modi ayaa la kulmay Xi, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay hagaajiyaan xiriirka kadib xiisadaha soohdinta labada wadan.

Magaalada Tianjin ee dalka Shiinaha waxaa maanta oo Axad ah ka furmay shirka ururka iskaashiga caalamiga ah ee Shanghai (SCO) oo socon doona ilaa Isniinta.

Shirka SCO oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa isugu imaanaya madax ka kala socota in ka badan 20 dowladood.