China: Xi oo kormeeray dhoola-tus milatari oo ballaaran oo ay ka qeyb-galeen Putin iyo Kim Jong Un

Shiinaha oo soo bandhigay dhoolatus milateri balaaran oo ka dhacay magaalada Beijing si ay u xusaan 80 sano kadib dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, iyagoo soo bandhigay iyagoo soo bandhigay hubkooda casriga ah oo ay ku jiraan taangiyada iyo gantaalada ballistic-ga.

3 September, 2025

Bandhiga dhoolatuska oo ka dhacay fagaaraha Tiananmen subaxnimadii Arbacada waxaa kormeeray madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo sidoo kale ah madaxa militariga dalkaas iyo xisbiga shuuciga Shiinaha.

Ka dib markii uu salaamay hogaamiyayaasha ajnabiga ah, oo ay ku jiraan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, Xi wuxuu u dhaqaaqay soo dhaweynta ruug-caddaayada militariga Shiinaha ee munaasabadda ka qeyb galay.

Putin iyo Kim ayaa kamid ahaa 26-ka hogaamiye ee caalamka ee ka qeyb galay dhoolatuska.

Hogaamiyaha Shiinuhu wuxuu sheegay in casharadii laga bartay dagaalka ay yihiin kuwo xiligan u baahan in si weyn loo xuso.

“Caalamka maanta wuxuu markale wajahayaa doorasho ah nabad ama dagaal, wadahadal ama iskahorimaad” ayuu yiri Xi.

Isagoo ka jawaabaya dhoolatuska militariga, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa su’aal galiyay in Xi uu aqoonsan doono doorkii Mareykanka uu ka ciyaaray dagaalkii labaad ee adduunka.

Trump ayaa sidoo kale ku daray: “Fadlan igu salaan Vladimir Putin iyo Kim Jong Un, illeen waxaad shirqoolaysaan Mareykanka.”

Madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka oo ka jawaabeysa hadalka Trump ee ah in hoggaamiyeyaasha Ruushka, Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ay maleegeen shirqool ka dhan ah Mareykanka, ayaa yiri “Cidna xitaa kuma fikirin arrintaas”.