Ciidamada Puntland oo howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga ka wada Bosaaso.

Ciidamada amniga gobolka Bari oo howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga ka wada Bosaaso ayaa soo bandhigay Bambooyin iyo agabyo kale oo loo isticmaalo qaraxyada, Kuwaas oo laga helay Guriga ninkii Ajnabiga ahaa ee xalay ciidanku dileen isagoo Qarax aasaya.

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa Bulshada Bosaaso ugu baaqay in ay taxadaraan soona sheegaan qof walba oo ay ka shakiyaan.
Ciidamada amniga maamulka Pubtland ayaa kordhiyay howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha dhuumaleysanaya magaalooyinka waaweyn.

Ciidamada amaanka dowladda Puntland ayaa xalay ku toogtay magaalada Boosaaso nin ka tirsan kooxda argagixisada Daacish, kaas oo miino ku aasayay wadada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil, ayna xogtiisa soo gudbiyeen shacabka ku sugnaa aaga oo ka shakiyey.
