Ciidamada badda Turkiga oo sii joogaya gacanka Cadmeed & biyaha Somalia.

22 January, 2026

Warbaahinta Daily Sabah ayaa shaaca ka qaadday in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga uu Talaadadii si rasmi ah…

Warbaahinta Daily Sabah ayaa shaaca ka qaadday in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga uu Talaadadii si rasmi ah u ansixiyay qaraar madaxweyne oo lagu kordhinayo muddada hawlgalka ciidamada badda ee Turkiga (TSK) ee ka howlgala Gacanka Cadmeed, biyaha Soomaaliya, Badda Carabta iyo deegaanada ku xeeran, muddo hal sano oo dheeraad ah.

Warbixinta lagu muujiyey sida ay xukuumadda Ankara uga go’an tahay ammaanka badda iyo ka qeybqaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo argagixisada badda.

Qoraalka qaraarka ayaa lagu xusay in Turkigu muddo dheer ka mid ahaa waddamada hormuudka ka ah la dagaallanka burcad-badeedda, weerarrada hubeysan ee badda iyo argagixisada badeed, iyadoo hawlgalka lagu sugayo ammaanka maraakiibta ganacsiga ee sita calanka Turkiga ama xiriirka la leh Türkiye, sidoo kalena lagu taageerayo hawlaha bani’aadannimo iyo iskaashiga dalalka saaxiibka ah ee gobolka.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada badda ee TSK ay si firfircoon uga qeyb qaateen hawlgallada caalamiga ah tan iyo 2009, oo ay ku jiraan hawlgalkii NATO ee Ocean Shield iyo Ciidanka Isbahaysiga Caalamiga ah ee CTF-151, oo hoos yimaada Combined Maritime Forces ee Mareykanku hoggaamiyo.

Turkiga ayaa hoggaamiyay CTF-151 7 jeer intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2025, waxaana markii ugu dambeysay uu hoggaanka la wareegay 24-kii July 2024, ka hor inta uusan xilka wareejin Janaayo 2025.

Qaraarka ayaa sidoo kale xusuusiyay in Turkigu yahay xubin aasaasi ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka La-Dagaallanka Burcad-Badeedda ee Xeebaha Soomaaliya, taas oo lagu dhisay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1851, isla markaana uu weli ka qeyb qaato barnaamijyada Midowga Yurub, NATO iyo Hay’adda Badaha Adduunka (IMO).

Inkasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uusan soo saarin go’aamo cusub oo ku saabsan biyaha Soomaaliya tan iyo 2022, haddana hawlgallada caalamiga ah ee ka dhanka ah burcad-badeedda ee ka baxsan biyaha Soomaaliya ayaa weli socda, sida Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta, oo la kordhiyay ilaa 28-ka Febraayo 2027. Ciidamada badda Turkiga ayaa weli si buuxda uga qeyb qaadanaya hawlgallada CTF-151.

Qaraarka ayaa carrabka ku adkeeyay in burcad-badeedda iyo argagixisada badda ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ay si toos ah u saameeyaan danaha qaranka Turkiga, maadaama marin-biyoodkaasi yahay mid aad u istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

Ciidamada badda Turkiga ayaa sii wadi doona hawlgallada ka baxsan biyaha dalalka gobolka, iyadoo waqtiga iyo baaxadda hawlgallada uu madaxweynuhu go’aamin doono, sida ku xusan Qodobka 92-aad ee Dastuurka Turkiga. Muddadii hore oo ku ekaan lahayd 10-ka Febraayo 2026, ayaa hadda la kordhiyay ilaa Febraayo 2027.