Xukuumadda Puntland ayaa uga digtey ciidanka dagaalka kula jira kooxaha nabaddiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab…

Xukuumadda Puntland ayaa uga digtey ciidanka dagaalka kula jira kooxaha nabaddiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab inay sirtooda ku faafiyaan baraha bulshada gaar ahaan aaladda Tiktok oo siweyn ciidamadu u adeegsadaan.
Wasiirka Kuxigeenada Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, oo booqday deegaamo katirsan xeebaha Bari ee dagaalka lagagala jiro Daacish ayaa ugu horrayn sheegay in ajaaniib soo duushey aysan gabbaad ka dhigan karin Puntland ayna la kulmeen wax aysan filanayn.
“Waa dagaal aan adduunka kaga xoraynayno adduunka, nimankaani waxay ku soo tababarteen adduunka oo dhan laakiin kuma xisaabtamin waxa ay kala kulmayaan ciidamada geesiyaasha ah ee dowladda Puntland, ceelkasta iyo godkasta oo ay galaan waa ka saaraysaan”, Ayuu yiri Wasiirku.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa amray ciidanka ku sugan furimaha dagaalka inay ilaaliyaan dishibiliinkooda, joojiyaanna xogaha kaga faafaya baraha bulshada gaar ahaan muuqalada sirta ah ee lagu baahiyo aalladda Tiktok.
“Waxaa diyaar idiin ah waxkasta oo dagaalku u baahnaa, idinkana waxaan idin farayaa waajibaadkiina inaad laba jibbaartaan, dishibiliinkiina ilaalisaan, cadawga markaa u socotid meeshuu kujiro oo aad iska duubto waa ku soo socdaa looma baahna waayo dagaalku waa khiyaano, ciidan waxba iska duubo waana sir hawshiisu cadawga waa inaad ku kedisaa”, Ayuu yiri Wasiirka Kuxigeenada Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed.




