Ciidamada Danab oo Shabeellada Hoose howlgal ku qabtay saraakiil Alshabaab ah.

9 December, 2025

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee…

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoos taga degmada Tooratoorow, gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku soo qabteen labo dhagar-qabayaal ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka deegaanka.

Wararka ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah ragga la qabtay lagu magacaabo Sakariye, kaas oo baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Khawaarijta ee muddooyinkii dambe ay raadinayeen Ciidamada Qaranka. Ciidamada ayaa sheegay in ninkan uu door muhiim ah ku lahaa hawlgallada kooxda iyo dhibaatada lagu hayo shacabka.

Intaa waxaa dheer, Danab waxay gacanta kusoo dhigeen mootadii ay argagixisadu ku adeegsan jireen falalka amni-darro, iyo hub kale oo u muuqday kuwo loo qorsheeyay weerarro lagu waxyeelleeyo dadka rayidka ah. Ciidamadu waxay sheegeen in agabkaasi uu caddeyn u yahay in kooxda Khawaarijtu weli isku dayeyso falal lagu carqaladeeyo nabadda gobolka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in howlgalka Towfiq uu muujinayo in Khawaarijta meel walba lagu bartilmaameedsanayo, loogana hor istaagayo qorshahooda gumaadka ah.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgaladan oo kale ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xaqiijinayo nabad buuxda, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada si loo soo afjaro kooxaha Khawaarijta oo weli ku howlan falal ka dhan ah amniga qaranka.