Ciidamada DFS iyo Alshabaab oo ku dagaalamay xuduudka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

4 June, 2025

Dagaal xooggan ayaa ka qarxay xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan…

Dagaal xooggan ayaa ka qarxay xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen agagaarka deegaanka Ceel Hareeri.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla inta u dhaxaysa Ceel Hareeri iyo Aadan Yabaal, kaas oo qarxay inta uusan gaarin bartilmaameedka rasmiga ah.

Weerarka kadib ciidamada ayaa bilaabay iska caabin xooggan iyadoo uu bilowday dagaal culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus iyo rasaas xooggan, iyadoo saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya guulo ka sheegteen dagaalkaasi.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Macawisleeyda deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay wadey abaabul xooggan oo ay doonayeen inay dib ugu qabsadaan degmada Aadan Yabaal iyo deegaamada hoosyimaada.