Ciidamada DFS oo Howlgal Ku Dilay Horjooge Sare oo Al shabaab ah

1 November, 2025

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab,…

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab, kaas oo lagu beegsaday duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay maleeshiyaad ilaalo u ahaa horjoogahaas.

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabay Muxudiin Xasan, wuxuuna ahaa madaxii kooxda Al shabaab u qaabilsanaa deegaanada Ciid-ciidka iyo Jeembilow, halkaas oo uu muddo ku dhibaateynayay shacabka deegaanka.

Ciidamada deegaanka ee fuliyay weerarka qorshaysan ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid la sii dejiyey oo lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxdu ku dhuumaalayso. Waxay sheegeen in howlgalka uu socday muddo saacado ah oo si taxadar leh loo fuliyay.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidamada waxay ku guuleysteen inay soo furtaan laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo ay wateen horjoogaha la dilay iyo maleeshiyaadkiisa.