Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada howlgalka AUSSOM ee Uganda ayaa si buuxda ula wareegay…

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada howlgalka AUSSOM ee Uganda ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib dagaal socday muddo toddobaad ah.
Qoraal ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka tiro kale lagu qabtay iyagoo nool, Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan.
Hawlgalka ayaa haatan u gudbay wejigiisa labaad lagu xusay qoraalka iyadoo lagu sameynayo nadiifin magaalada Bariire iyo tuulooyinka ku dhow si loo xaqiijiyo amniga buuxa ee deegaanka.
Tallaabadan ayaa timid xilli kooxda Al-Shabaab dhowaan la wareegtay degaano muhiim ah oo ku dhow magaalada Muqdisho iyo kuwo yaala gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.



