Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar aroornimadii hore ee saaka ay malayshiyaad katirsan Alshabaab…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar aroornimadii hore ee saaka ay malayshiyaad katirsan Alshabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lee yihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarkaasi, isla markaana ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aysan shaacin khasaaraha rasmiga ah ee gaarey Alshabaab.
“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka cashar lama illaawaan ah u dhigay maleeshiyada Khawaarijta oo waaberigii hore soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ku leeyihiin duleedka Balcad,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka dowladda.
Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay wadey hawlgallo ay dib ugu qabsanayaan deegaamo katirsan Hirshabeelle oo ay Alshabab gacanta ku hayso.