Ciidamada dowladda iyo mucaaradka oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho.

7 June, 2026

Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa bilowday hawlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayo hub, gaadiid dagaal iyo…

Dowladda Federalka ah ee Somalia ayaa bilowday hawlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayo hub, gaadiid dagaal iyo sahay ay leeyihiin siyaasiyiin iyo ganacsato reer Muqdisho ah oo loo qaaday deegaamo ku yaalla Shabeellaha Dhexe ilaa gobolka Banaadir.

Cadale, Warsheekh iyo Gubadley ayaa waxaa habeenimadii xalay ka dhacay iskahor imaadyo u dhexeeya ciidamo laga diray Muqdisho iyo ciidamo la sheegay inay yihiin ku u abaabulaan qaab qabiil.

Dagaalka ugu culus ayaa lagu qaaday 5 gawaarida dagaalka ah oo uu leeyahay Wasiir hore ahna ganacsade maalinimadii shalay la weeraray hotelkiisa Muqdisho, iyadoo qaybtood u gudubtey degmada Cadale oo uu reer ahaan ka soo jeedo.

Villa Somalia ayaa doonaysa inay xoog ku ururiso hubka gacanta ugu jira dhammaan dhinacyada ka aragti duwan si ay u meelmariso qorsheheeda hirgelinta doorashooyinka iyo muddada halka sano ah ee uu ogolaanayo waxka-beddelkii lagu sameeyey dastuurka.

Qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegaya in ficilada madaxweynaha mudo dhaafka ah ay ka dhigan yihiin qorshe lagu abuurayo halis amni darro iyo in hub qaadashada xiligan aysan amni sugid aheyn.