Ciidanka dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilaabay inay dib uga baxaan qaar kamid ah goobihii…

Ciidanka dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilaabay inay dib uga baxaan qaar kamid ah goobihii dagaalku ka socdey galabnimadii shalay ilaa aroortii hore ee saaka, sida ay muujinayaan muuqaalo la soo duubay.
Goobaha ciidanku ka gurteen waxaa kamid ah agagaarka guriga Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo dagaal kharaar ka dhacay, waxaana ciidanka dib loogu celiyey fariisimadii ay ka soo bexeen gelinkii dambe ee shalay.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh amray in ciidanka dib looga soo celiyo guriga Xasan Cali Khayre, xilli ay sii kordhayaan culaysyada dowladda iyo mucaaradka lagu saarayo joojinta dagaalka.
Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo mucaaradka inay si dhaqso ah ku joojiyaan dagaalka ayna yeeshaan wadahadalo xal loogu raadinayo xiisadda colaadeed ee soo cusboonaatay.
“Waxaan ku celinaynaa bayaankeenii wadajirka ahaa, oo ay hadda ku soo biireen +2 saxiixayaal cusub. Rabshadaha ka qarxay Muqdisho waa kuwo si qoto dheer u khuseeya xaaladda (walwalna leh), waxaana ka xunnahay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh. Soomaalidu waxay u baahan tahay nabad, xasilooni, iyo horumar. Waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda ee dhammaan dhinacyada inay dib ugu laabtaan wadahadalka ayna khilaafaadka ku xalliyaan si nabad ah.”ayaa lagu yiri Fariinta Midowga Yurub.





