Ugu yaraan 54 qof ayaa lagu dilay 158 kalena waa lagu dhaawacay suuq ku yaal magaalada Khartuum maanta oo Sabti ah.

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa wada iskahorimaad bahalnimo ah oo ay kula jiraan ciidamada dowlada tan iyo Abriil 2023, taasoo keentay in tobanaan kun ay ku dhintaan in ka badan 12 milyanna ay qaxaan.
Ciidamada ayaa duqeeyay suuq ku yaala degmada Omdurman, oo ka tirsan magaalada Khartuum, halkaasi oo ay ku dileen dad lagu qiyaasay 54 qof Sabtidii.
Weerarkii Sabtidii lagu qaaday Suuqa Sabrein ayaa sidoo kale lagu dhaawacay ugu yaraan 158 kale, wasaaradda caafimaadka ayaa qoraal ku sheegtay.
Khaalid Al-caleesir, oo ah wasiirka dhaqanka iyo afhayeenka xukuumadda, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo sheegay in khasaaraha ay ku jiraan haween iyo carruur badan. Waxa uu sidoo kale sheegay in weerarku uu sababay “burbur baahsan oo loo geystay hanti gaar ah iyo mid dadweyne.”