Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ayaa habeenkii saddexaad rasaas isku weydaarsaday gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir

27 April, 2025

Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah rasaas isku weydaarsaday xadka Kashmir, mas’uuliyiinta New Delhi ayaa sheegay Axaddii, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka dhalatay weerar lagu hoobtay oo lagu qaaday goob dalxiis oo ku taal dhulka Muslimiinta u badan ee Hindiya maamusho.

Ciidamada Pakistan iyo Hindiya ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah rasaas isku weydaarsaday gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, sida ay saraakiishu sheegeen Axadii, iyadoo xiriirka u dhexeeya labada dal ee heysta hubka Nukliyeerka oo jaarka ah uu hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo sanado ah.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedaysay inay taageerto “argagixisada xudduudda isaga gudba” ka dib markii rag hubaysan ay fuliyeen weerarkii ugu xumaa ee lagu qaado dadka rayidka ah ee deegaanka lagu muransan yahay Kashmir ee ay Muslimiinta u badan yihiin.

Islamabad ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay, iyadoo ku tilmaantay isku dayga lagu doonayay in Pakistan lagu la xidhiidhiyo weerarka mid “aan macquul ahayn” waxayna wacad ku martay inay ka jawaabi doonto tallaabo kasta oo Hindiya qaado.

Hindiya ayaa sheegtay in laba ka mid ah saddexda qof ee looga shakisan yahay in ay yihiin Pakistani, inkastoo Islamabad ay beenisay inay wax door ah ku lahayd weerarkii Talaadadii lagu dilay 25 Hindi ah iyo hal qof oo u dhashay Nepal.

Pakistan ayaa ku baaqday in baaritaan “dhex dhexaad ah” lagu sameeyo dilalka dalxiisayaasha ee Kashmir ay Hindiya maamusho oo New Delhi ay ku eedeysay Islamabad, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso ayna door bido nabadda.

Ciidamada amaanka Hindiya ayaa bilaabay ugaarsi ballaaran oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka 26 qof oo ka dhacay goob dalxiis oo ku taal Pahalgam 22-kii April.