Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr qof ku dilay, tiro kalena ku dhaawacay koonfurta Lubnaan

26 January, 2025

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen Axadii kadib markii ciidamada Israel la sheegay inay rasaas ku fureen dadka deegaanka oo isku dayayay inay ku laabtaan guryahoodii oo ku yaala koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa weli ku sugan dhulka inkasta oo uu dhamaaday 60-kii maalmood ee ka bixitaanka heshiiska ee lagu soo afjaray dagaalkii ay kula jireen Xisbullah.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray labo haween ah iyo askari ka tirsan ciidamada Lubnaan, sida ay qoraal ku sheegtay wasaaradda caafimaadka. Dad ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen in ka badan 12 tuulo oo ku yaala deegaanka xuduuda.

Dibad-baxayaasha oo qaarkood sitay calanka Xisbullah, ayaa isku dayay inay galaan dhowr tuulo, si ay uga mudaaharaadaan guul-darradii Israa’iil ee ka soo bixi lahayd koonfurta Lubnaan 60-kii maalmood ee u dambeeyay ee ku saabsanaa heshiis xabbad-joojin ah oo hakiyay dagaalkii Israa’iil iyo Xisbullah dhammaadkii bishii November.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay sii joogto muddo dheeraad sababtoo ah ciidamada Lubnaan ma aysan lama wareegin dhammaan deegaannada koonfurta Lubnaan si ay u xaqiijiyaan in Xisbullah aysan dib u soo celin joogitaankeeda aagga. Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in aysan halkaasi geyn karin askartooda ilaa ciidamada Israel ay ka baxaan.