Ciidamada Israel ayaa gacanta ku dhigay dooni samafal u sidey deegaanka go’doonsan ee Gaza weerar ay qaadeen subaxnimadii Isniinta.

Doonida Madleen, oo siday 12 shaqaale ah oo ay ku jiraan halgamaa Greta Thunberg iyo Rima Hassan, oo ah xubin Faransiis ah oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, ayaa loo weeciyey deked Israa’iil leedahay.
Isbahaysiga doonidan ee Flotilla Freedom (FFC) wuxuu ujeedkoodu ahaa in gargaar la geeyo deegaanka dhibaatada bini’aadantinimo ka jirto ee Gaza.
Israa’iil ayaa sheegtay in ay leexsatay dooni ku socotay Gaza Isniintii ka dib markii dhaqdhaqaaqayaasha saarnayd, oo ay ku jirto gabadha xaquuqda u ol’olaysa ee Sweden u dhalatay ee Greta Thunberg, ay sheegeen in la qabtay xilli ay doonayeen in ay gargaar u fidiyaan dhulka go’doonsan ee Falastiin.

Doontan Madleen waxay ka shiraacatay dalka Talyaaniga 1-dii Juunyo si ay u keento cunto Gaza, oo dadka ku nool dhammaan ay halis ugu jiraan macaluul.
War qoraal ah oo ay soo saareen, isbahaysigu waxay ku sheegeen in millatariga Israa’iil ay qabteen Madleen abaare 3:02am CET (01:02 GMT) goob wax yar ka baxsan xeebta Gaza.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay doonida u weecisay dhanka xeebaha Israa’iil, waxaana la filayaa in dadkii saarnaa ay dib ugu laabtaan dalalkooda.
Faransiiska ayaa Isniintii sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii si degdeg ah ugu soo laabtaan dalkooda muwaadiniinta Faransiiska ee saaran doonta Madleen.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa codsaday in lixda qof ee Faransiiska u dhashay ee la socday doonta “loo ogolaado inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabtaan Faransiiska” ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo codsaday inaan la magacaabin, halka wasiirka arrimaha dibadda Jean-Noël Barrot uu sheegay in Paris ay ka shaqeyn doonto “sidii ay u fududeyn lahayd inay si degdeg ah ugu laabtaan Faransiiska”.
Israa’iil ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo sii kordhaya si ay u ogolaato gargaar dheeri ah oo la geeyo Gaza, kadib markii in ka badan laba bilood oo xannibaad ah ay keentay cunto yari baahsan iyo sahayda aasaasiga ah oo go’ay.
Turkiga ayaa isniintii Israa’iil ku dhaleeceeyay in ay ka hortagtay doonida gargaarka, oo ay ku sifeeyeen “weerar aad u fool xun”.