Milateriga Israa’iil ayaa xoog kula wareegay dhowr Markab iyo doonyo oo sida gargaarka bini’aadantinimo oo ku wajahanaa dhulka Gaza ee go’doonsan, iyagoo xiray qaar badan oo kamid ah dhaqdhaqaaqayaasha doonyahan la socday oo ay ku jiraan Qareeno iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda dalalka reer Galbeedka.

Ugu yaraan saddex doon oo laga leeyahay hay’adda Global Sumud Flotilla iyo ilaa 500 qof, ayaa lagu qabtay meel qiyaastii (130-km) u jirta xeebta Gaza, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha.

Doonyahan iyo Maraakiibtan gargaarka u sida Gaza ayaa gaarayay 44.
Ilaa hadda, ugu yaraan lix markab ayaa ay qabteen ciidamada badda ee Israa’iil, sida ay sheegeen kooxda u dhaqdhaqaaqa. Magacyada doonyahan waa Deir Yaasiin/Mali, Huga, Spectre, Adara, Alma iyo Sirius.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa qoraal ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay in “Maraakiibta iyo Doonyahan la joojiyay rakaabkoodiina waxaa loo wareejiyay dhanka dekedda Israa’iil”.
Ururada iyo Hay’addaha u doodaya shacabka xasuuqa ku socdo ee Gaza ayaa sheegay inay sii wadi doonaan isku daygooda ay doonayaan inay ku jabiyaan go’adoonka ay ciidamada Israa’iil geliyeen deegaanka Gaza, isla markaana diiwaangeliyaan gaboodfalada ay geysaneyso Israa’iil.



