Israa’iil ayaa marar badan gashay Suuriya tan iyo markii la riday Al-Asad, waxaana ay duqeymo cirka ah ka geysatay guud ahaan dalkaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa howlgal dhulka ah ka fuliyay gobolka Deraa ee koonfur-bari Suuriya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Suuriya, duullaankii ugu dambeeyay ee dalka deriska la ah, iyada oo ay sidoo kale sii wadayaan duqeymaha ka dhanka ah Dimishiq.
Askartu waxay sidoo kale baaritaanno ka sameeyeen magaalooyinka Saysoun iyo Jamlah Axadii, kuwaas oo ku dheggan xariiqda xabbad joojinta dagaalkii 1974-kii oo la doonayay in lagu kala saaro ciidamada Israel iyo kuwa Suuriya.
Sabtidii, Axmed al-Sharaa, oo ah madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalka, ayaa sheegay in wada-hadallada lala yeelanayo Israa’iil ay bilaabeen in dib loo dhaqan-geliyo heshiiskii 1974-kii, kaasoo lasoo gebagebeeyey kadib dagaalkii 1973-kii ee waddamadaas.
Israa’iil iyo Suuriya ayaa bilihii la soo dhaafay yeeshay wadahadalo toos ah.
Wadahadallada ayaa looga golleeyahay in lagu joojiyo tallaabooyinka gardarrada ah ee Israa’iil ee ku wajahan Suuriya iyo in la gaaro heshiis amni.
Israel ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday goobaha iyo hantida militari ee guud ahaan Suuriya tan iyo markii la riday hogaamiyihii hore ee Bashaar al-Assad bishii December.
Waxa kale oo ay balaadhisay qabsashadiisa Buuraha Golan ee Suuriya iyada oo la wareegtay aaggag muhiim ah, tallaabadaas oo jabisay heshiiskii 1974kii.
Salaasadii, Suuriya waxay “si adag u cambaaraysay” weerarrada Israa’iil ee dhowr goobood oo ku yaalla gudaha iyo hareeraha magaalada Homs ee galbeedka dalka iyo agagaarka magaalo xeebeedka Latakia.
Weerarada cirka ee Israel waxay ka dhigan yihiin “xadgudub qaawan oo ka dhan ah madaxbanaanida Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya”, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas ayaa bayaan ku sheegtay.
Iyadoo Israa’iil ay sanado badan waday olole qarsoodi ah oo duqeymo xagga cirka ah oo ka dhan ah kaabayaasha militariga Suuriya, weeraradeeda ka dhanka ah deriskeeda ayaa kor u kacay tan iyo dagaalkii Gaza iyo dhicitaankii al-Assad.
Dabayaaqadii bishii Agoosto, lix askari oo Suuriyaan ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadday magaalada Dimishiq, taasoo ku soo beegantay maalin uun kaddib markii ciidammada Israa’iil ay gudaha u galeen dhulka Suuriya.
Weerarada Suuriya ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu kor u qaadayo aragtida “Israa’iilta Weyn”, fikradda ay taageeraan Israa’iiliyiinta xagjirka ah ee sheegata Daanta Galbeed iyo Gaza ee Falastiin, iyo sidoo kale qaybo kamid ah dhulka Lubnaan, Suuriya, Masar iyo Urdun.
Kadib rabshado ka dhacay koonfurta Suwayda ee Suuriya 13-kii July ee u dhexeeyay dagaalyahanada qabaa’ilka Bedouin iyo kooxaha Druze, ciidamada dawladda ayaa loo diray si ay u joojiyaan dagaalka. Laakin dhiiga daadanaya wuu kasii daray, Israa’iil waxay qaaday weerarro ay ku qaadayso ciidamada Suuriya waxayna duqeysay bartamaha caasimadda Dimishiq, iyadoo ku marmarsiyoonaysa inay ilaalinayso dadka laga tiro baddan yahay ee Druze-ka ku nool wadanka Suuriya.



