Degmada Diinsoor duleedkeeda waxaa xalay ku dagaalamay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib…

Degmada Diinsoor duleedkeeda waxaa xalay ku dagaalamay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib markii kooxdaasi ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen. Dagaalka ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac soo kala gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu socday in ka badan saacad, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo madaafiic. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaasta iyo qaraxyada laga maqlayay duleedka degmada Diinsoor ay ahaayeen kuwo xooggan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay dileen askar Itoobiyaan ah, balse ma shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha. Ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda sheegay in ay iska difaaceen weerarka, islamarkaana ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Saaka ayaa ciidamada Itoobiya bilaabeen howlgallo kooban oo ay ka sameeyeen deegaanka lagu dagaalamay, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo in ay raadiyaan xubnihii weerarka soo qaaday.
Xaaladda guud ee degmada Diinsoor ayaa haatan deggen, inkastoo ay weli socdaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo isku diyaarinaya weerarro kale oo suuragal ah.



