Ciidamada Itoobiya iyo xoogagga taabacsan oo la wareegey caasimadda maamulka Tigray

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaad taageera dowladda ayaa sheegay inay dib ula wareegeen garoonka diyaaradaha Alula…

3 October, 2026

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaad taageera dowladda ayaa sheegay inay dib ula wareegeen garoonka diyaaradaha Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray, kaddib dagaallo culus oo u dhexeeyey ciidamada federaalka iyo xoogagga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

AFP ayaa maanta sheegtay in maleeshiyaad taageersan dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqeen inay qabsadeen garoonka weyn ee ku dhow caasimadda Tigray, kaddib markii xoogagga TPLF ay weerarro ka fuliyeen gobolka Tigray iyo gobollada deriska la ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Kooxda Tigray Peace Forces oo xulafo la ah dowladda Itoobiya ayaa iyaduna sheegtay inay si buuxda ula wareegtay garoonka Mekelle, ayna bilaabayaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan gacan-ku-haynta magaalada, iyadoo wakaaladda wararka ee Reuters sheegtay in dowladda federaalka aysan weli si rasmi ah uga jawaabin sheegashadaas, halka aysan sidoo kale jirin xaqiijin madax-bannaan oo caddeyneysa in magaalada oo dhan laga saaray xoogagga TPLF.

Dagaalladan cusub ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo dagaalkii Tigray ee 2020–2022. TPLF ayaa toddobaadkii hore qabsatay garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Tigray, iyadoo sidoo kale dagaallo ka billowday gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Xiisadda ayaa sidoo kale gaartay heer diblomaasiyadeed, iyadoo Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay inay taageerto TPLF, waxaana dagaalka gobolku sababay in xukuumadda Abiy Ahmed ay hanjabaad u dirto dalalka Sudan iyo Masar oo ay sheegtay inay dabada ka xiirxaya