Ciidamada Itoobiya oo awoodo dheeraad ah la siiyey xilli hogaamiyihii TPLF ka soo hanjabey Eritrea.

Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa meel mariyey wax-ka-beddel lagu sameynayo Sharciga Ciidanka Difaaca Qaranka, kaas oo ciidamada…

2 October, 2026

Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa meel mariyey wax-ka-beddel lagu sameynayo Sharciga Ciidanka Difaaca Qaranka, kaas oo ciidamada siinaya awoodo dheeraad ah, oo ay ku jiraan fulinta howlgallo waaweyn oo ka baxsan xuduudaha dalka, haddii dowladda ay u aragto inay lagama maarmaan u yihiin ilaalinta madax-bannaanida iyo qarannimada Itoobiya. Wax-ka-beddelkan ayaa la filayaa in Isniinta loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka Itoobiya si loo meel mariyo.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay wajahayo xiisado militari iyo siyaasadeed, gaar ahaan gobolka Tigray, iyadoo dib u soo cusboonaaday walaaca laga qabo in dagaal kale uu ka dhex qarxo dhinacyada ku loollamaya awoodda, iyadoo lays waydiinayo awoodda baaxadda howlgalada milatari ee dowladda Itoobiya ay mustaqbalka ka fulin karto gudaha iyo meel ka baxsan xuduudaheeda.

Dhanka kale, hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo khudbad socotay ku dhawaad 11 daqiiqo jeediyey, ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyey inay weerar ku hayso shacabka Tigray, isagoo ku tilmaamay xaaladda ka jirta gobolka mid duullaan ah, wuxuuna xusay in ay jiraan dalal shisheeye oo ku lug leh xaaladda, isaga oo si gaar ah u xusay taageerada Imaaraadka Carabta ee dowladda Itoobiya.

Gebremichael ayaa xusay in TPLF ay muddo 17 sano ah dagaal kula jirtay xukuumaddii Dergiga ee Itoobiya, taas oo talada dalka laga tuuray 1991-kii. Wuxuu sheegay in dhinaciisu uu hadda xoogga saarayo sidii uu u adkeysan lahaa, iyadoo hadalladiisu ku soo beegmayaan xilli walaac cusub laga muujinayo mustaqbalka amniga Tigray iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo hoggaanka gobolka.