Ciidamada Jubbaland oo howlgal ku dilay in ka badan 50 Alshabaab ah.

16 November, 2025

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay wehlinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kumaandooska Danab ayaa maanta…

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay wehlinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kumaandooska Danab ayaa maanta fuliyey howlgal qorsheysan oo ballaaran ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga gobolka.

Howlgalkan oo muddo la qorsheynayay ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Muse-Xaaji, Arare, Kobon, Bangeeni iyo Maleyleey. Deegaannadan ayaa kooxda u ahaa goobo ay ka soo abaabulaan weerarro ay ku dhibaateeyaan shacabka iyo isu socodka dadka deegaanka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada isgarabsanaya ay weerar ku qaadeen fariisimihii kooxda. Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay 56 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale oo nool lagu soo qabtay, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Sidoo kale, saldhigyadii kooxda ee ku yaallay tuulooyinka la beegsaday ayaa gabi ahaanba la burburiyey. Jubbaland ayaa sheegtay in burburintaasi ay dhabar-jab ku noqotay awoodda iyo dhaq-dhaqaaqii Al-Shabaab ee gobolka.

Saraakiisha ciidamada ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo in deegaanka laga saaro dhammaan khatarta argagixisada, loona soo celiyo nabadda iyo nolol caadi ah oo ay ku naasa-nuugtaan shacabka reer Jubboyinka.