Ciidamada Jubbaland oo khaarajiyey horjoogihii Alshabaab ee Jamaame.

29 November, 2025

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo xooggan ka Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,…

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo xooggan ka Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin hor joogayaal katirsan kooxda Alshabaab.

Hawlgalkii ugu dambeeyey ee duleedka Jamaame ayaa lagu diley horjoogihii Alshabaab ee deegaanka laguna magacaabi jiray Faarax Jibriil, iyo toddoba kale, kuwaas oo muddo dheer dhibaato iyo caddaadis ku hayay shacabka deegaanka.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaya ayaa xaqiijiyay in hawlgalka uu si guul ah ku dhammaaday, isla markaana uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida Jamaame, nawaaxigeeda iyo guud ahaan Dowladda Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa xaqiijiyey in hawlgalladu ay sii socdaan maanta oo Sabti ah, inta laga xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka kaas lagu beegsanayo meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.