Ciidamada Koonfur-Galbeed iyo Alshabaab oo ku Dagaalamay Buurhakaba.

24 September, 2025

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay kaas oo u dhexeeyay…

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay kaas oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka AlShabaab. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii AlShabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla bannaanka magaalada taas oo keentay dagaal qaraar oo socday saacado badan.

Dagaalka ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac soo gaaray, Dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa Cismaan Mursal Kaarabiin taliye ku xigeenka ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba kaas oo hoggaaminayay ciidamada la dagaallamayay AlShabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa tacsi u diray qoyska iyo shacabka uu ka baxay taliyaha isagoo ku tilmaamay geesi halgamaa ahaa oo mudadii uu noolaa ku jiray difaaca shacabka iyo dalka. Wuxuu sheegay in Cismaan Mursal uu ahaa shakhsi door muhiim ah ku lahaa dagaalka lagula jiro AlShabaab.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaalka la soo afjaray islamarkaana AlShabaabkii weerarka soo qaaday la jabiyay halka ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamay. Ciidamada ayaa bilaabay howlgallo baaritaanno ah si loo xaqiijiyo ammaanka deegaanka.

AlShabaab ayaa inta badan weerarro ku qaada xeryaha ciidamada ee gobollada Baay iyo Bakool halkaas oo ay weli ku xooggan yihiin deegaanno badan, Go’doonka ay ku hayaan degmooyinka muhiimka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale abuuray xaalad adag oo nololeed oo ay wajahaan shacabka deegaanka.