Ciidamada Laftagareen oo la wareegey degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta la wareegay…

8 October, 2026

Ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, oo qiyaastii 90-km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa gudaha u galay degmadaasi, kaddib howlgallo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka degmada. Xasan Cabdiqaadir Maxamed, oo ka tirsan dhinaca Laftagareen, ayaa sheegay in ciidamadooda Daraawiishta Koonfur Galbeed ay si buuxda ula wareegeen degmada, isagoo xusay in shacabka ay si diirran u soo dhoweeyeen.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaar ka mid ah ciidamadii hore ugu sugnaa Qansaxdheere ay isu dhiibeen ciidamada Laftagareen, halka kuwo kale ay gudaha u galeen xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli uu Koonfur Galbeed ka jiro khilaaf siyaasadeed iyo amni oo u dhexeeya dhinacyada ku loollamaya maamulka gobolka, iyadoo Baydhabo ay sidoo kale martigelinayso diyaar-garowyo amni oo la xiriira shirar siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin la filayo inay ka qabsoomaan magaalada.