Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu yaraan lix weerar oo xagga cirka ah ku qaaday garoonka diyaaradaha Xudeyda ee dalka Yemen isniintii, halka afar weerar ay ka fuliyeen Jaziirada Kamaran oo ku dhow dekedda Saliif ee badda cas, sida uu sheegay TV-ga Al-Masirah oo ah talefishanka ugu weyn ee dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen.
Duqeymaha ka dhanka ah Kamaran ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ay la beegsadaan jasiiradaasi tan iyo markii duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsanayo Xuutiyiinta ay bilowdeen horaantii bishii Febaraayo.
Raadaarada iyo diyaarad nooca drone-ka ah ayaa lagu burburiyay deegaanada Xuutiyiinta ay maamulaan ee Yemen, sida ay taliska dhexe ee Mareykanka ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada ee X.
Xuutiyiinta ayaa asbuucii lasoo dhaafay gantaalo ku dhuftay laba markab oo marayey badda cas, kuwaasi oo uu khasaare xoogan soo gaaray.
Horseed Media