Ciidamada Nigeria oo soo daayay 360 qof oo ay afduubteen kooxda Boko Haram

7 June, 2026

Ciidamada Nigeria ayaa sheegay inay xaqiijiyeen sii deynta 360 qof oo ay Boko Haram ka afduubteen horraantii sanadkan waqooyiga bari ee dalka.

Hawlgalka samatabbixinta ayaa ka dhacay xarun ay Boko Haram ku leedahay koonfurta Gobolka Borno, sida ay sheegtay militariga oo Axaddii.

Ciidamadu waxay hawlgal ka sameeyeen buuraha Mandara halkaas oo dagaalyahannada Boko Haram ay boqolaal qof ku hayeen “xaalad adag”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowlada.

Warbixinta militariga ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay ururiyeen xog sirdoon ayna adeegsadeen “hawlgallo farsameysan” si ay “kalsooni darro ugu abuuraan ciidamada fallaagada” kahor “bilowgii weerarka”.

Dhowr dagaalyahan oo Boko Haram ah ayaa u cararay buuraha ku hareeraysan, halka kuwa kalena ay is dhiibeen, inkastoo ciidanku uusan faah faahin dheeraad ah bixin.

Hoggaamiye dhalinyarada deegaankaas iyo senetarka laga soo doorto Borno ayaa Sabtidii warbaahinta u xaqiijiyay sii deynta, laakiin waxay sheegeen in dadka la afduubtay ay ka badnaayeen 400 qof oo u badan haween iyo caruur.

Kooxda Boko Haram ayaa horey siideynta dadkan ku xiray malaayiin lacag madaxfurasho ah.