Ciidamada Puntland oo Awr u rartay baadi-goobka Daacish.

27 February, 2025

Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socda Cal-miskaad ayaa dejiyey qorshayaal ay ciidamadu ku gaarayaan…

Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socda Cal-miskaad ayaa dejiyey qorshayaal ay ciidamadu ku gaarayaan goobaha aysan geli karin gaadiidka dagaalku ee ay ku jiraan xubnihii ka soo firxaday dagaaladii ugu dambeeyey ee togga Jacayl.

Hawlgallo horleh oo saaka ka bilowday deegaamo hoosyimaada Ufayn ayaa ciidanku qaateen gaadiidka nool ee Awrta, taasi oo fududayn doonta inaysan kala dambayn ciidanka iyo sahaydiisu.

Gaadiidkaan cusub ee ku soo biiray dagaalka ayaa ah mid ay ku tabaruceen reer guuraaga gobolka Bari gaar ahaan buuraleeyda Cal-miskaad, waxaana afhayeenka hawlgalku xaqiijiyey in saaka la qabtay ceelka Dharin iyo goobo kale oo muhiim ah.