Ciidamada Puntland oo dalbaday in laga maareeyo meydadka Daacish.

18 February, 2025

Saraakiisha ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka buuraleeyda Cal-miskaad ayaa ka codsaday hay’adaha…

Saraakiisha ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka buuraleeyda Cal-miskaad ayaa ka codsaday hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh caafimaadka iyo deegaanka inay xal u keenaan meydadka Daacish ee ku yaacsan aaggaasi.

Hoggaamada ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhammaan goobihii lagu dagaalamay ay dhooban yihiin meydadkii Daacish isla markaana aysan awoodin inay maareeyaan maadaama ay dagaal kujiraan isla markaana qaybo badan oo kamid ah ay qurmeen una baahan yihiin shaqaale si gaar ah loogu tababaray oo ka astura dadka iyo deegaanka si aysan uga dillaacin xanuunada faafa.

“Waxaan rabaa dhammaan hay’adaha ku shaqada leh inay bakhtiga ka ururiyaan deegaankaan si aysan dadka dhibaato ugu geysan, meelkasta waxaa yaalla meydadka dad ajaaniib ah oo aynaan waxba wadaagin, marka waxaan ugu baaqayaa wasaaradaha ku sahqada leh inay sida ugu dhaqsaha badan uga hawlgalaan”, Mid kamid saraakiisha hawlgalka.

Puntland ayaa sheegtay inay dagaalka Cal-miskaad ku dishey in ka badan 200 oo kamid ah ajaaniibta ka soo carartay dalalkooda ee katirsan kooxaha argagixisada ah duniduna sida weyn u baadi goobayso.