Ciidamada Puntland oo diley 4 xubnood oo Daacish u qaabilsanaa miinooyinka.

25 March, 2025

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo weli kujira hawlgallada ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish ayaa toogtey xubno…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo weli kujira hawlgallada ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish ayaa toogtey xubno horleh oo qaabilsanaa miino aasidda iyo dhagarta ka dhanka ah hawlgalka Hillaac.

Hawlgalladii ugu dambeeyey ayaa ciidamadu deegaanka Guryosamo oo hoostagta Buqo ku dileen Afar xubnood oo nabaddiidka DCSH, sida lagu baahiyey warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Dhaka kalena, ciidamada Difaaca Puntland ayaa burburiyay Talis weyn oo argagixisadu ku diyaarin jirtay miinooyinka, iyagoo gacanta ku dhigay hubkii iyo agab kale oo ay wateen afarta argagixisada ah ee ay ciidamadu dileen.