Ciidamada Puntland oo gaarey ceelka Miraale.

20 March, 2025

Ciidanka difaaca Puntland ee kujira hawlgalka Hillaac ayaa si rasmi ah ula wareegey ceelka Miraale iyo…

Ciidanka difaaca Puntland ee kujira hawlgalka Hillaac ayaa si rasmi ah ula wareegey ceelka Miraale iyo fariisimadii ka agdhawaa ee ay ku dhuumaalaysan jireen malayshiyaadka xiriirka laleh Alqaacida ee Daacish.

Saraakiil katirsan hawlgalka Hillaac oo warbaahinta kula hadlay Miraale ayaa sheegay in hawlgal muddo qaatay ay kula wareegeen ceelka Miraale, ayna halkaasi ku dileen in ka badan 50 xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish.

“Miraale waa meeshii ugu dambaysay ee ay degnaayeen khasaare xooggan ayaan ku gaarsiinay, anaga wixii yar ee na gaaraana bedel ayaa la imanaya, weli raadkoodii ayaan daba joognaa godkastoo ay galaana waan uga dabageli doonaan”., Sidaasi waxaa yiri Coneal Duwane.