Ciidamada Puntland oo gaarey deegaamo hor leh.

1 March, 2025

Ciidamada difaaca dowladdda Puntland oo kujira wajiga 3aad ee hawlgalka Hillaac ayaa maanta deegarey deegaamo, saldhigyo…

Ciidamada difaaca dowladdda Puntland oo kujira wajiga 3aad ee hawlgalka Hillaac ayaa maanta deegarey deegaamo, saldhigyo ay lahayd kooxda Daacish iyo qaar kamid ah bartilmaameedyadii ay duqeeyeen saaxiibada caalamiga ah.

Goobaha ay ciidmaadu maanta gaareen waxaa kamid ah Buqa-caleed oo ay ugu tageen 4 gaari oo la gubey, mootooyin la gubey, matooro lagu aasay dhulka hoostiisa, iyo guryo ay dhistay Daacish oo ay kujireen qaybo xafiisyo u ahaa kooxdaasi.

Dhanka kalena, ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey deegaanka Raq-raq oo kamdi ah goobihii ay ka dheceen duqaymihii ugu dambeeyey isla markaana ay ka muudqaan raadadkii duqaymaha iyo khasaaraha lagu gaarsiiyey Daacish, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac.

Talisku wuxuu sheegay in ciidamadu gaareen deegaamo kale oo muhiim u ahaa malayshiyaadka Daacish oo ku dhuumaalaysanaya dhulka buuraleeyda ah kadib markii lagu jebiyey dagaaladii ka dhacay togga Jacayl.