Ciidamada Puntland oo gaarey deegaamo hor leh.

26 February, 2025

Saraakiisha ciidmaada difaaca dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ay ku baadi…

Saraakiisha ciidmaada difaaca dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ay ku baadi goobayaan malayshiyaadkii Daacish ee ka cararay fariisimadii Togga Jacayl.

Afhayeenka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland , Gen Maxamuud Faadhigo oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ayaa sheegay in ciidamadu hawlgallo ka wadaan jihooyin cusub oo katirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Gen. Faadhigo ayaa sheegay in ciidamada hawlgalka ka wada dhanka Xabley ay cagta marin doonaan ilaa Dhaadaar si laysugu xiro labadajoho ee dagaalka kooxaha nabaddiidkana looga nadiifiyo deegaamadaasi.

“Ciidamadu waxay gaareen goobihii lagu malaynayey inay ku dhuumanayaan sida Farjeerin, Darayle, Geesa-qabad iyo Tasjiic, mana jirto cid ilaa hadda laga helay, waana isaga carareen maadaama aysan u babac dhigi karin ciidamada difaaca dowladda”. Ayuu yiri Gen. Faadhigo.