Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay qalab ay lahayd Daacish.

21 September, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli sii wada wajiga ugu dambeeya ee ciribtirka malayshiyaadka kooxda Daacish…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli sii wada wajiga ugu dambeeya ee ciribtirka malayshiyaadka kooxda Daacish oo ku dhuumaalaysanaya togga Baallade ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada kujira hawlgalka Hillaac ayaa warbaahinta la wadaagey agab ay lahayd kooxda Daacish oo lagu qabtay hawlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay togga Baallade.

Waxa ay sheegeen in hawlgalku uu gaba-gabo marayo isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan u soo afmeeri doonaan una ciribtiri doonaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada kooxdaasi.