Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyey deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyey deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari oo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxda Daacish.
Deegaanka Cascasey oo kamid ah goobaha maanta hawlgallada laga sameeyey ayaa ciidamadu ku diley in ka badan 10 xubnood oo ah ajaaniib katirsan Daacish iyagoo ka furtay hub iyo saanad, sida ka muuqata sawirro lagu baahiyey baraha bulshada hawlgalka Hillaac.

Dhanka kalena, dusha sare ee buuraleeyda Qandala ayaa ciidamadu ka sameeyeen hawlgallo ay ku burburiyeen fariisimo ay lahaayeen kooxda Daacish oo xilligaan dhuumaalaysi kujirta sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada difaaca Puntland.
