Ciidamada difaaca dowladda Puntland hawlgal lagu sifeynayo Argagixisada Daacish ka fuliyeen, deegaannada Kalriyaad, Saax iyo Madaah…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland hawlgal lagu sifeynayo Argagixisada Daacish ka fuliyeen, deegaannada Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee Gobolka Bari oo ay ku yaallaan saddex Ceel-Biyood oo muhim u ah deegaannadaasi.
Qoraal ka soo baxay hawlgalka ayaa lagu sheegay in la burburiyey talisyo yaryar oo ay ku dhuumanayeen firxadka Argagixisada Daacish, waxaa la qabtay Dameero ay raranayeen Argagixisadu iyo Agab kale oo ay lahaayeen.
Saraakiisha ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen, waxaana ay balan qaadeen inaysan joogsan doonin ilaa laga soo afjaro Daacish.
