Ciidamada Puntland oo Howlgalo ay fariisimo ku burburiyeen ka sameeyey Calmiskaad.

9 August, 2025

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa qaaday howlgallo culus oo ka dhan ah firxadka iyo talisyada kooxda…

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa qaaday howlgallo culus oo ka dhan ah firxadka iyo talisyada kooxda argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaya Toga Baalade ee dhanka Xabley, Howlgalladan ayaa qeyb ka ah hawlgalka “Hilaac” ee ka socda Buuraha Calmiskaad, waxaana lagu burburiyay xarumo iyo keyd hub oo ay kooxdaasi ku lahayd buuraha Cascas, Dhaban-qooxle, Xabley ilaa aagga Shakaala, Ciidanka ayaa weli ku hawlan soo afjaridda xubnaha firxadka ah ee ku harsan togga.

Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa si toos ah uga qeybgalay hawlgalkii maanta, gaar ahaan meelaha hoos yimaada degmada Ufayn, Waxay ciidamadu ka fuliyeen howlgallo balaaran deegaanka Geesaqabad iyo buuraleyda ku teedsan, halkaas oo lagu raad joogay firxadka argagixisada ee ka soo cararay goobihii dagaalka, tallaabadan ayaa lagu xaqiijinayaa in Daacish laga saaro gebi ahaanba aaggaasi.

Buuraha Calmiskaad oo ku yaalla gobolka Bari gaar ahaan dhulka u dhexeeya magaalada Bosaso iyo degmada Ufayn ayaa ah dhul buuraley ah oo ay adag tahay in si fudud loo galo, Meeshaasi waxay sannadihii dambe hoy u ahayd kooxaha Daacish iyagoo halkaasi ka sameystay xarumo qarsoon, Dhulka adag iyo marinada yar ee buuraha ayaa ka dhigaya deegaan istiraatiiji ah oo ay kooxuhu isticmaalaan.

Howlgallada ka socda Calmiskaad ayaa ah kuwo muddo socday waxaana lagu guuleystay in la burburiyo dhowr talis oo muhiim ah, isla markaana la qabto hub iyo saanad milatari oo ay kooxda isticmaali jirtay. Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo in aysan jirin meel ay mar kale ku soo laaban karaan.