Ciidamada Puntland oo ka saaray argagixisada Daacish godad ku yaalla Maraagaale

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ku guda jira howlgallo lagu sifeynayo firxadka argagixisada Daacish kuwaas oo ka…

25 August, 2025

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ku guda jira howlgallo lagu sifeynayo firxadka argagixisada Daacish kuwaas oo ka socda deegaanka Maraagaale ee Togga Baallade buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka Bari. Howlgaladan ayaa ujeedadoodu tahay in si buuxda looga ciribtiro haraadiga argagixisada ee ku dhuumanaya deegaankaas.

Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa qoraal kooban oo warbaahinta loo soo diray ku sheegay in dagaal maanta dhacay lagu awood sheegtay firxadka argagixisada, lagana saaray goobo cusub oo ay hore ugu dhuumanayeen. Ciidamadu waxay cadeeyeen in howlgalku weli socdo, isla markaana aysan weli dhammaan.

“Hawlgal lagu sifeynayo haraadiga Argagixisada Daacish ayeey Ciidanku ka wadaan deegaanka Maraagaale, Togga Baallade Argagixisada ayaa awood looga saaray goobo cusub dagaalkii maanta, welina wa socda hawlgalka calmiskad.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay howlgalka Hilaac.

Ciidamada Puntland ayaa muujiyey geesinimadooda iyo qorshaha cad ee lagu sifeynayo argagixisada iyaga oo adeegsanaya xeelado amni oo ka hortagaya dib u soo laabashada firxadka. Howlgalkani ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Puntland ku ilaalinayso nabadgelyada bulshada iyo xasiloonida gobolka.

Howlgalkii maanta ka dib Puntland ayaa hogaamiyaasha Daacish u qabatay 72 saac oo ay isku soo dhiibi karaan ayna si nabad ah deegaanadoodii iyo wadamadoodii loogu celin doono.