Ciidamada Puntland oo la siiyey diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopter)

22 January, 2025

Diyaarad ayaa fududayn doonta wax walba oo ay u baahan yihiin ciidanka ku jira hawlgalka Daacish

Guddiga taakuleynta iyo daryeelka dhaawacyada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa galabta magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyay oo la wareegay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter)oo kusoo biirtay hawlgalada, taasi oo ay Dowladdu ugu talagashay in ay la shaqeyso ciidamada.

Guddiga taakuleynta Ciidanka ayaa sheegay in ay Diyaaradan fududeynayso wax walbo, oo ay u baahdaan Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee hawlgalada ku jira.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa guulo is dabajoog ah ka gaaray howlgalka ciribtirka argagixisada, waxaana ay la wareegeen maalmihii lasoo dhaafay Talisyo muhiim ah, hub, saanad, diyaarado Drone ah iyo agabyo kale, iyadoo sidoo kale la laayay maleeshiyaad fara-badan oo katirsanaa argagixisada.

Horseed Media