Ciidamada Puntland oo la wareegey Qurac iyo damdamaale.

20 February, 2025

Ciidamada difaaca Puntland oo maalmihii la soo dhaafay kujirey sahmin iyo diyaar garaw dagaal ayaa maanta…

Ciidamada difaaca Puntland oo maalmihii la soo dhaafay kujirey sahmin iyo diyaar garaw dagaal ayaa maanta ku ruuqaansaday fariisimo muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku lahayd togga Jacayl ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Goobaha ay ciidamadu la wareegeen waxaa kamid ah deegaamada Qurac iyo Damdamaale oo aagag muhiim ah u ahaa kooxda Daacish, iyadoo aagaggaasi lagu diley in ka badan 10 xubnood oo katirsan Daacish sida wararka hordhaca ah tilmaamayaan.

Saraakiil katirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa Horseed Media u xaqiijiyey inay maanta dheceen dagaalo goos goos ah, ayna ciidamadu ku guulaysteen qabashada fariisimo muhiim ah iyo qarxinta tiro miinooyin ah oo cadawgu dhigay.