Puntland oo war ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay duleedka Galkacyo.

Dowladda Puntland ayaa war ka soo saartay dagaal subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay xero ciidan…

5 August, 2026

Dowladda Puntland ayaa war ka soo saartay dagaal subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay xero ciidan oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradah Gen. Cabdullaahi Yuusuf ee duleedka Magaalkacyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka booliska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ku guulaysteen hawlgal qorshaysan oo lagu qaaday xero ay lahaayeen ciidamo sheegay inay ku biireen kuwa dowladda federalka ah ee Somalia.

Puntland ayaa sheegtay in hawlgalku uu weli socdo isla markaana ay ka hortegi doonaan cidkasta oo isku hawsha inay carqaladayso ammaanka iyo kala dambaynta Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Puntland.