Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta gaaray aagag cusub oo ay ku sugnaayeen argagixisada Daacish, oo…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta gaaray aagag cusub oo ay ku sugnaayeen argagixisada Daacish, oo ay ka carareen malayshiyaadkii ku sugnaa kadib duqaymo cir iyo dhul ah oo ay la beegsadeen ciidamada Puntland iyo saaxiibadooda caalamku.
Goobaha ay ciidamadu ka qabsadeen argagixisada Daacish ayaa waxaa kamid ah Taliskii argagixisada ee Daray-Madoobe, kaas oo ahaa mid muhiimad weyn u lahaa argagixisada iyo Difaac adag oo ay horrey u diyaarsadeen, oo ugu dambayn maanta gacantooda ka baxay.
Dhanka kalena, duqaymo culus ayaa maanta ka dhacay buuraleyda Cal-miskaad, mana jiro wax faahfaahin dheeraad ah oo weli ay dowladdu ka bixisay duqaymihii ugu dambeeyey iyo khasaaraha la gaarsiiyey Daacish.