Ciidamada Puntland oo qabsaday Sheebaab iyo Kayaxa.

24 February, 2025

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo markale horay ugu ruuqaansaday fariisimada Daacish ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa la…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo markale horay ugu ruuqaansaday fariisimada Daacish ee buuraleeyda Cal-miskaad ayaa la wareegeey deegaamada Sheebaab iyo Kayaxa oo saldhigyo muhiim ah u ahaa kooxaha nabaddiidka.

Qoraal ka soo baxay taliska ciribtirka argagixisada Puntland ayaa lagu xaqiijiyey qabashada tuulooyinkaasi iyo deegaamada ku hareeraysan halkaasi oo ay ciidamadu ugu tageen hub, dawooyin iyo xabaal wadareedyo ay halkaasi ku aaseen.

Ciidanku waxay la wareegeen Sheebaab , Kayaxa iyo deegaannada ku hararysan, waxaa la qabtay Shidaal, hub iyo daawooyin loogu tegay Isbitaalka ay isticmaalayeen. labo xabaal wadareed ayaa lagu arkay magalada Sheebaab“, Ayaa lagu yiri warka taliska.