Ciidamada Puntland oo qabtay gantaallo Daacish farsamaysay.

27 February, 2025

Ciidamada difaaca Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay 2000 oo gantaal oo argagixisada Daacish farsamaynayeen, siffo…

Ciidamada difaaca Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay 2000 oo gantaal oo argagixisada Daacish farsamaynayeen, siffo ay waxyeello ugu geystaan guud ahaan shacabka Puntland.

Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka Hillaac ayaa warbaahinta u sheegay in gantaalahaan lala qabtay wersheddii ugu weyneyd ee ay Daacish ku farsamayn jirtey hubka iyo qaraxyada lagu waxyeeleeyo shacabka Puntland.

Dhanka kalena, ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan togga Jacayl ayaa ka hortegey weerar ay Daacish ku soo qaadday deegaanka Dhasaq, si ay isaga joojiyaan duulaanka ku wajahan togga Miraale.