Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ayaa la wareegey fariisimo muhiim ah…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ayaa la wareegey fariisimo muhiim ah oo ay malayshiyaadka nabaddiidku ku lahaayeen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Saldhigyada ciidamadu qabsadeen waxaa kamid ah Curaar oo ilo sirdoon ku tilmaameen mid kamid ah difaacyadii ugu muhiimsanaa ee kooxdaasi isla markaana ay ka ilaashan jirtey Dhasaan ilaa Miraale oo hoggaamiyayaasha sare ee kooxdaasi deggan yihiin.
Saldhigyada maanta la qabsaday ayaa ka kooban Godad ay ku dhuuman jireen, difaacyo gacan ku samays ah iyo kuwa togga ku yaalla oo bar dhexaad u ahaa shaqooyinka nabaddiidka.
Ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay Mootooyin iyo gaadiid Daacish looga gubey duqaymihii ugu dambeeyey, meydad ajaaniib u badan iyo raadad muujinaya xawayaano ay qalan jireen kooxdaasi.
Curaar waxay ahayd difaaca ugu muhiimsan marka laga yimaado Gaatir Oodan oo 4KM ujirta aagga maanta la qabsaday isla markaana la rumaysan yahay in qabashadeedu ay soo dedejin doonto dabar goynta Daacish.