Ciidamada Puntland oo saaka duulaan ku qaaday Koonfurta Miiraale.

3 June, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar ku qaaday goobihii habeenimadii xalay diyaaradaha…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar ku qaaday goobihii habeenimadii xalay diyaaradaha dagaalka Maraykanku ku duqeeyeen firxadkii Daacish.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac ee Cal-miskaad ayaa lagu sheegay in hawlgalka saaka oo lagu baacsanayo firxadka Daacish uu ka sii socdo halkii ay xalay duqaymuhu ka dheceen oo dhanka Koonfureed kaga beegan togga Miiraale halkaas oo ay daadsan yihiin meydadka Daacish.

“Saaka dagaalku wuxuu kasii bilowmay halkii xalay uu joogay, Ciidamadeenna Cirka iyo Dhulka oo wada socda ayaa firxadkii Argagixisadii Daacish ka sifeynaya Godad ku yaalla koonfurta Miiraale, Maydadka Argagixisada ayaa daadsan”, Ayaa lagu yiri qoraalka taliska.