Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa dib u bilaabay hawlgallo culus oo ay ku baacsanayaan malayshiyaadka Kooxda…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa dib u bilaabay hawlgallo culus oo ay ku baacsanayaan malayshiyaadka Kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Hawlgallo qorshaysan oo maanta ka dhacay deegaanka Gurya-samo ayaa la sheegay in lagu laayey malayshiyaad katirsan Daacish, laguna qabtay hub iyo dameero u rarnaa kooxdaasi, sida saraakiisha ciidanku sheegeen.
Saraakiisha hawlgalka Hillaac hoggaaminaysa ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay kujireen qorshihii kooxdaasi looga soo afmeeri lahaa togga Miiraale iyadoo la diyaariyey waddooyin iyo istaraatijiyado lagu soo afmeerayo kooxdaasi.
Hawlgalka Cal-miskaad waxaa labadii cisho ee la soo dhaafay ku biiray diyaarado nooca dagaalka ah oo ay soo iibsatay xukuumadda Puntland sida uu warbaahinta u xaqiijiyeyb wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.



